Nairobi-Ayaamaha-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa Wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan in uu baaqday shir ay madaxda dowlad Goboleedyada ku yeelan lahaayeen Magaaladaasi.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in shirkaasi baaqday islamarkaana Madaxda Jubaland iyo Galmudug ay kulamo kala gaar gaar ah la qaadan doonaan dadka ka soo jeeda degaannadooda iyo wakiillo beesha Caalamka ka socda oo ay si gaar gaar ah ula kulmayaan.

Siciid Cabdullahi Deni oo ahayd in uu ka qeybgalo shirkaas ayaa hadda ku sugan Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya taas ayaana loo sababeynaya baaqashada shirkan.

Sida la sheegay Siciid Deni ayaa maalinta berri oo jimco ah dib ugu laabanayo Magaalada Garowe oo uu dhowr todobaad uga maqnaa safarro uu ku tagay dalalka Imaaraadka, China iyo Itoobiya.

Dowlad Goboleedyada ayaa Shirkan waxaa ay la lahaayeen Beesha Caalamka waxaana ay iclaamiyeen markii uu fashilmay shirkii lixda maalmood ka socdya Garowe una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Wali si rasmi ah looma shaacin waxa fashiliyay shirka Nairobi ay ku yeelan lahaayeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Maamullada kala ah; Puntland, Galmudug iyo Jubaland.