MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Golaha guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamud Aaden ayaa sheegay in ay hadda ku kala kaceen wafdiga dawladda Federaalka shirka uga socda Jabuuti, wuxuu sheegay in qodobada Ajendaha iyo fulinta heshiisyadii hore ay dhinacyadu isku qabteen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax wadahadal ah oo labada dhinac dhexmari doona, maadaama Madaxweyne Farmaajo uusan fulin qodobadii lagu horay loogu heshiiyay.

Soomaaliland ayaa dalbatay in marka hore lafuliyo heshiisyadii horay loo galay oo ay kamid yihiin in aan lasiyaasadeen mashaariicda hormarineed somalilnad kascoda, in aan la hor istaagin howlaha gargaarka  iyo qodobadii shirkii u dambeeyey Itoobiya lagu galay.

Soomaaliand ayaa sheegtay in marka hore lafuliyo qodobadaas iyo qodobo kale oo kamid yihiin in lajoijiyo hadalada xanafta leh warbaahinta laysu mariyo.

Natiijo la’aanta ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu dalbaday Ajandaha Shirka in lagu soo daro gooni Isu taaga Somaliland.

Dhanka kale Labo qodob oo uu miiska saaray madaxweyne Biixi ayaa sababay in shirkii wajigiisii koobaad halka maanta lagu joojiyo ayaa kala ah:

1. In garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland.

2. In lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo .