MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 10-ka Bisha Carafo Sanadka 1441-ka, kuna beegan 31 July 2020-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan  Dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciidayo, iyada oo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay u ciidayaan maalinta Koowaad ee Ciida.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sidookale si weynn looga dareemayaa maalinta Koowaad e Ciidul Adxada, waxaana la arkayaa dad weyne farabadan oo u dabbaal dagaya farxadda Ciidda.

Waddooyinka waa weyn ayaa lagu arkayaa haween, Carruur iyo qaybaha kale ee bulshada oo u dabbaal dagaya farxadda Ciidda, waxaana wajiyadooda laga dheehan karaa sida ay ugu faraxsan yihiin Maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Carruurta ayaa la arkayaa iyaga oo ku ciyaaraya qalabka loogu tala galay maalmaha farxadda oo inta badan ay carruur ku ciyaaraan, sidoo kale xaafadaha ayaa sida caadiga ahaa waxaa lagu qalayaa xoolaha maaddaama ciiddani ay tahay ciiddii Hillibka.