Sidee Wasiiru Dowle Xafiis R/W Mas’uul Uga Noqon Karaa Howlaha Doorashooyinka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in Cabdi Xakiim Xasan Ashkir loo xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Howlaha Ashkar loo xilsaaray ayaa waxaa kamid ahaa isku xirka Xukuumadda, Dowlad Goboleedyada iyo Hey’addaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashada.

Haseyeeshee su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee Cabdi Xakiim Xasan Ashkir loogu xil-saaray doorashada, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waajibaadkiisa ka mid tahay arrimaha doorashooyinka.

Arrintaan ayaa sabab u ah is aaminaad la’aanta iyo kala shakiga soo kala dhexgalo hay’adaha u xilsaaran dhaqangalinta qorshaha looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Waa xilliga ay in badan Madaxda dowladda ay doorbidaan in ay u dhiibtaan fulinta qorshaha kalaguurka shaqsiyaad ay ku kalsoon yihiin iyada oo aanan loo eegeynin mudnaanta iyo waajibaadka Wasaaradaha loo igmaday ee ku shaqada leh meelmarinta heshiisyada doorashooyinka.