Sidey dowlad goboleedyada u qeysadaan 54-ta xubnood ee Aqalka sare?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka, kaasoo ka kooban 54 xubnood. Xildhibaannada loo soo doorto Aqalka sare waxa ay ka kala imaadaan shanta dowlad goboleed. Haddaba sidee loogu kala qeybiyay?

Galmudug ayay maanta ka dhacday doorashada Aqalka sare oo ay kusoo baxeen lix mudane, halka horayna ay uga dhacday dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sida ku xusan xeer-hoosaadka Aqalka Sare, shaqada xildhibaannada waa in ay matalaan deegaannada laga soo doortay iyo maamul-goboleedyada ay ka yimaadeen.

Hadabad sidee loo qeybiyay 54 xubnood oo matalaya maamul goboleedyada?

Dood muddo dheer socotay oo uu Baarlamaanka ka fariistay ayaa muranno badan kaddib lagu meel mariyay inta xubnood ee maamul goboleed kasta uu ka qaadanayo kuraasta Aqalka Sare.

Puntland iyo Somaliland ayaa la siiyay kuraas ka badan maamullada kale, oo ah midkiiba 11 xubnood. Afar maamul goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la kala siiyay midkiiba siddeed xubin.

Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ku gacan seyrtay qeybintaas, iyadoo sheegatay in ay tahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Hase yeeshee kuraasta gobollada Somaliland waxaa u taagan mudaneyaal kasoo jeeda gobolladaas.

Baarlamaannada dowlad goboleedyada ayaa soo dooranaya xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, marka laga reebo kuraasta Somaliland iyo gobolka Banaadir oo lagu dhisayo hab gaar ah.