Riyadh-(Ayaamaha) Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Saalim Macow Xaaji ayaa xarunta Safaaraadda Soomaaliya ee Magaaladda Riyadh ku qaabbilay lataliya arrimaha siyaasadda ee Safaradda Dalka Ingiriiska ay ku leedahay Dalka Sacuudiga, Barrie Peach.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Saaxiibtinnimo Labada Dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii loo xoojin lahaa  wadashaqeynta ka dhexeysa Labada Safaaradood Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Amb; Saalim Macow Xaaji ayaa uga mahad celiyay lataliyaha Taageerada dhinacyada kala duwan ee Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya.

La taliyaha arrimaha siyaasadda ee Safaaradda Ingiriiska ee Magaaladda Riyadh, Barrie Peach ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaaladda Riyadh iyo sida Dowladda Ingiriisku ay ahmiyad weyn u siineyso ballaarinta cilaaqaadka saaxibtinnimo iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.