Muqdisho-(Ayaamaha)-Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.

Shirkan ayaa ka socda Hotelka Pan Afrika ee magaalada Nairobi, waxaana shirka uu yahay mid wadatashi ah ay yeelanayaan Xildhibaanada , Siyaasiyiinta iyo sidoo kale qaar kamid ah hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Xubnaha ka qeyb galaya shirka magaalada Nairobi ka furmay waxaa kamid ah  Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiiro horey uga tirsanaa Xukuumada Kheyre, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyo xubno kale.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed.

Shirkan maanta Nairobi uga furmay siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi joogaan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo iyagana shirar gaar ah la leh Wakiilada  Beesha  Caalamka.