Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay la wareegeyso hogaanka wasiiradad arrimaha dibeda ee Jaamacadda Carabta.

Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo intii Dowladii dhexe.

Soomaaliya ayaa mar la isku soo qaaday in ay marti geliso shir madaxeedka Jaamacadda Carabta inkastoo aan la qaban.
Toban sano ka hor ayey aheyd markii Somalia ay guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Masar.

Wasiir Cawad ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee a ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.