MUQDISHO-AYAAMAHA-Somaliya ayaa sanadka 2020 kamid noqoneeysa shanta wadan ee Gabdhaha loogu kufsi badan yahay Qaarada Afrika.

100 ilaa 110 gabdhood oo da’dooda u dhaxeeyso 10 jir ilaa 35 sano jir ayaa sanadkaan gudihiisa lagu kufsaday qeybo kamid ah Somaliya.

Qaarkood gabdhahaas la kufsaday ayan kiiskooda lala wadaagin Dowladda,Waxaana lagu dhameeyay qaab dhaqameed si qoyska aysan ceeb usoo gaarin.

Gabdhaha la kufsaday ayaa 30% la dilay kadib markii si qasab ah loo isticmaalay.

Waxaa jira Gabdho kale oo la kufsaday oo cadaalad heli waayay kadibna isaga cararay magaaladoodii, halka kuwa kalana ay iska noqdeen guri xabis.

Tii ugu dambeeysay ayaa waxey ka dhacday Muqdisho. Kadib markii Gabar 19 sano jirta la kufsaday kadibna dabaq laga soo tuuray.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida ugu macquulsan ee loo joojin karo Kufsiga badanayey muddooyinkii dambe.