HARGEYSA-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay dood cilmiyeed ku saabsaneyd arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Madaxweyne farmaajo ayaa xalay, isaga oo marti ku ahaa dood Cilmiyeed uu soo Agaasimay Machadka Raas ayaa sheegay in midnimada soomaaliya ay tahay muqadas, balse Somalailand muddo 30 sano ah aqoonsi raadinayaan welina helin,isla markaana aysan jirin wadan Afrikan ah oo kala go’aya.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi cabdi oo Maanta soo xirayay tababar macalinimo ayaa sheegay in Farmaajo uusan ka hadli Karin midnimada Soomaaliya, isla markaana isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin.

“Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?… Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.