Muqdisho-Ayaamaha-Dagaal udhaxeeyey Dad Soomaaliyeed iyo Qowmiyada Turkaanada Kenya ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Kaakumo iyadoo khasaaro uu ka dhashay Dagaalkaasi.

Warar lagu Kalsoonan karo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay Xeradaasi U tageen xiisada intay jirtay balse ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan.

Dagaalka inuu dhaco oo Soomaalida iyo Turkaanada dhexmaro waxay ka dambeysay markii ay Kufsi iyo Dhac goobaha Ganacsiga Soomaalida loo geystay ay udulqaadan waayeen.

Inta la xaqiijyey waxaa ku dhaawacmay seddex qof oo Soomaali ah kuwaasi oo la sheegay inay ka qeyb ahaayeen dagaalkaasi.

Weli Xiisad ayaa ka taagan Xerada Kaakumo iyadoo Laamaha Amniga Ee Halkaasi kusugan ay sheegeen inay isku dayayaan joojinta Dagaalkaasi.

Kumanaanka Qaxootga Ee kusugan Kaakumo ayaa ah Soomaali iyo dad kale oo Africa ka yimid kuwaasi oo Leen Mareykanka la iskugu qaadayo halkaasi sanado kusugaya.