Dadka Soomaaliya kasoo jeeda ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in ay meel sare kaga jiraan bulshooyinka ku nool gobolkaas ee qaba cudurka HIV/Aids-ka.

Warbixin ay soo saartay waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota, oo diiwaan galisa dadka la nool cudurka Aids-ka, ayaa lagu sheegay tirada dadka Soomaalida ah ee qaba cudurkan iyo sida ay tahay xaaladdooda.

Qiimeyntii la sameeyay sannadkii ugu dambeeyay ayaa muujisay in Soomaalida ay noqdeen qoomiyadda 4-aad ee cudurkan uu ku badan yahay aadna ugu sii fidayo.

Waxaa ka horreeyay qowmiyadaha kasoo kala jeeda dalalka Itoobiya, Mexico iyo Liberia.

In kastoo mar walba ay tiradu isbadasho, haddana Soomaalida ayaa xilligan ka mid ah dadka ugu tirada badan ee uu xanuunkaas uu bartilmaameedsanayo, waxaana walaac laga muujiyay xaaladdooda iyo dadaalka ku aaddan ka hor tagidda cudurka HIV/Aids-ka.