HARGEYSA-AYAAMAHA-Maxkamadda gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin horay Gabar u kufsaday kadibna dilay, falkaasi oo ka dhacay degmada Garbadadar ee gobolka Awdal.

Ninka Xukunka lagu riday oo lagu Magacaabo Cabdi Siciid Muuse ayaa waxaa la sheegay in uu kufsi iyo dil uu u geystay Gabar yar oo lagu Magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geedi Barre ayaa sheegay in kaidb markii falkaasi kufsiga iyo dilka ah uu kusoo cadaaday Cabdi Siciid Muuse ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho.

Eheladeeda Shukri ayaa sheegay inay doonayan in xukunka Dilka toogashada lagu fuliyo Cabdi Siciid Muuse.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa horey sidaan oo kale waxaa xukuno ugu diray rag lagu eedeeyay in deegaanada maamulkaas ka geysteen fal kufsi ah.

Falka kufsiga iyo dilka ah ayaa waxaa Marxuum Shukri Yuusuf Xuseen loo geystay 16-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2020, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay socday baaritaano ku aadan falkaas.