Marocco-(Ayaamaha)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd 26 Maarso Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Marocco oo Kulanka ku qabsoomay ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka.

Soomaaliya iyo Marocco ayaa waxaa u dhexeeya xiriirka labada shacab oo ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas Soomaaliyeed ayaa degay oo ku noolaaday Magaalada Ouarzazate, oo ku taalla koonfur bari dalka Marocco, halkaasi oo ay Soomaalidu ka dhiseen Masjidkii ugu horreeyay ee dhaxal taariikheed ah sanadkii 1922, waxaana loogu yeeraa Masjidka Soomaalida.

Wasiirada ayaa waxa ay carabaabeen inay ku faanayaan heerka fariidnimo ee xiriirka Soomaaliya iyo Marocco, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashi dhinac kasta leh, si gaar ah arrimaha dhaqaallaha, maalgeshiga, amniga, milatariga, dhaqanka, cilmiga, garsoorka, arrimaha qunsliyadeed iyo bulsho, iyo sidoo kale in la isku duba-rido , lagana tashado mowqifyada laga qaadanayo arrimaha kala duwan oo ah wax ka dhabaynaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ee Soomaaliya iyo Marocco waxay wada saxiixdeen seddex heshiis is-afgarad oo kala ah dhismaha guddi iskaashi oo wadaag ah, habka latashiyada siyaasadeed iyo tababarada diblomaasiyadeed oo ah heer akadeemi iyo cilmiyeed.