Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Mne. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Mne. Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Mne. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qirshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.