Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire; Axmed Ciise Cawad, ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u jooga Soomaaliya, Qin Jian.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka Laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo uu u horreeyo ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Wasiir Cawed iyo Safiir Qin Jian, ayaa kulankooda ka dib waxay ballan qaadeen in midba dhankiisa waa Soomaaliyea iyo Shiinahee uu xoojin doono xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada Shacab, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay sare u sii qaadi doonaan cilaaqoodkooda dhan walba.