Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed nuur Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka turkiga, iyaga oo casuumaad ka helay madax ka tirsan dalkaas.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulan muhiim ah la qaateen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Abdulhamit Gül, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadleen  xoojinta xiriirka labada Wasaaradood iyo hormarinta arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalka Turkiga  Abdulhamit Gül ayaa sheegay in dowladda turkiga ay Soomaaliya ka caawin doono dhinaca horumainta Hay’adaha Garsoorka, isla markaana la dardar gelin doono.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wafdiga la socda ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Turkiga.