Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galeysa Shir Ka Dhacay Koonfur Kuuriya & Wafdi Ka Ambabaxay Muqdisho

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal Ee Dawlada Soomaaliya ayaa waxay maanta ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.
Wafdigaan waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana la sheegay in uu yahay shirka ay ka qeyb geli doonaan mid ay kasoo qeyb geli doonaan Madax kala duwan oo Caalamka ah.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa Nabada Caalamka,waxaana lasoo sheegyaaa in Madaxda Caalamka ay la kulmi doonaan Gudoomiye Xaashi iyo Wafdiga Dawlada Soomaaliya.