Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shirguddoomiyay kulanka gaarka ah ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir arrimo dibadeed oo ay codsatay Falastiin, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, iyadoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Cawad ayaa shirkani oo qabsoomay shalay oo Axad ahayd (21 April) ka dhex sheegay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Falastiin ay fure u tahay deganaanshaha bariga dhexe, isagoo caddeeyay taageerrada Soomaaliya ee sharciyadda Falastiin iyo xaqqa Shacabka Falastiin ee ah inay samaystaan dowlad madax banaan oo ku taaggan xuduuddii 1967, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay xaaladaha ka soo kordhay Falastiin gaar ahaa heshiiska qarniga waxa loo bixiyay ee uu Mareykanka ka wado Bariga dhexe.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa shirka ka qeybgalay waxaana uu heshiiskaas ku tilmaamay mid ceel ku ridaya mustaqbalka Falastiin.

Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegtay shir guddoonka Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta waxaana ay heyneysaa muddo lix bilood ah.