Muqdisho-(Ayaamaha)-C/nuur Maxamed Axmed oo ah Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal uu Agaasimihii shaqada laga cayriyey ee Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, C/llaahi Dool ku sheegay inaysan dhibaato lahayn haddii Xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel.
Afhayeenka o Qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa u qornayd sidatan:

#Israel inta ay dhul dad #Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer #Falastiin wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya.