Luanda-Angolla-(Ayaamaha)- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya,Garyaqaan; Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Golaha Sare ee Garsoorka Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa  Magaalada Luanda ee Dalka Angola kaga qeyb galaya shirkii 5-aad ee Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo uu furay Madaxwaynaha Angola, Joã Manuel Gonçalves Lourenceç.

Shirka ayaa looga hadlayaa dhowrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka.

Shirkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli weli qaaradda Afrika lagu tilmaamo inanay ka jirin awood badan oo xagga garsoorka ah, balse hadda waxaa socda dedaallo ay Dalalka Qaaraddu ku doonayaan in la xoojiyo garsoorka.