Su’aal ka taagan sida lagu galay xaruunta aadka loo ilaaliyo ee Gobolka Banaadir.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Markii ay muddo saacado ah ka dhex dagaalamayeen xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ee magaceeda rasmiga ah yahay Fiisho Gufeerno, ayay ciidamada kala duwan ee dowladda soo afjareen koox yar oo unug barkeed oo ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi weerar ku qaadday.

Ma ahan xarun caadi ah ama xitaa wasaarad ee waa xarunta labaad ee ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya. Waa halkii markii ugu horeysey laga taagay calanka Soomaaliya xornimaddii 1960-kii.

“Madaxtooyadda labaad”

Wadda waa goobtii loogu illaalin badanyahay amnigeeda marka laga soo tago Villa Soomaaliya oo ay wada degenyihiin madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka baarlamaanka.

Tani waxa ay keenaysaa su’aalo badan oo ay adag tahay in si sahlan looga jawaabo, lamana oga in waxa halkaasi ka dhacay ay kaliya gali doonaan diiwaanka taariikhda iyo in si degdeg ah looga dabo tagi doono cid kasta oo gacan ka.

Si loo sugo amniga xaruntani, waxa gabi ahaanba la xirey si joogto ah mid ka mid ah waddooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho, halkaas oo wax gaadiid ah aanan loo ogoleyn.

Waddooyinka loo mari karo

Wadadani waa wadada Via Roma ee Xamar Weyne dhexmarta, sii marta Saldhigga Bartahama, Bangiga Ganacsiga, Daarta Jirde Xuseen, Illaa Degmada Shangani.

Gaadiidka maraya waxa ay ku qasbanyihiin in ay kasoo wareegsadaan dhanka badda ee Kawaanka Kalluunka, kadibna ay ka dhacaan Taallada Amiirkii Talyaaniga De Savoi oo ku taala kasoo horjeedka masaajidka Arboco Rukun.

Ma ahan waddo gaadiidka dadka oo dhan kan loo ogolyahay aagaasi ee waa kan mas;uuliyiinta iyo dadka la yaqaano, waana in ay kasoo gudbaan koontaroolka ciidamada Asluubta ee illaaliya Xabsiga Dhexe ee ku dhegen Dekeda.

Xasuusta shan sano kahor

Meesha kale ee u dhow Xarunta Dowladda Hoose waa waddo marta meel u dhow xaruntii hore ee Shirkadda Korontada Enaayo, kana dhacda Baarlamaankii hore.

Dhammaan waddooyinka gala Fiisha Gufeerno waa kuwa gebi ahaanba xiran, aadna loo illaaliyo, ayna adagtahay in qofka lugeynaya xitaa uu galo.

Lama oga sida dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku jiireen waxaasi oo jidgooyo ah iyo ciidan ah. Markii ugu dambeysay ee halkaasi falka ka dhacay ayaa waxa ay ahayd qiyaastii shan sano ka hor markii qaraxa ismiidaaminta lagu diley duqii hore ee Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan Yariisoow, waxayna hadda u egtahay in markale la isku dayayo in la dilo duqa hadda jooga Madaale wallow dibada ku maqnaa.