Muqdisho-Ayaamaha-Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay lagu qabanaya ciyaarata lagddanka haweenka xilli dalka uu tallaabsaday isbaddallo ay kamid yihiin inuu dabciyo sharciyadii adkaa ee ka dhanka ahaa masraxyada maddaalada.

Tartanka lagddanka wuxuu ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Riyaadh, waxaa uu u dhexeeya stars Natalya iyo Lacey Evans.

Makala cadda in haweenka soo bandhigi doono lagddanka ay ku labisan doonaan dhar xijaaban.

Tartankan taariikhiga ah wuxuu ka dhacay garoonka boqor Fahad ee ku yaalla Riyaadh, waxaa uu qaadaya dad gaaraya 68,000.

Tallaabadan ayaa noqon kartaa tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo goor lagu dhaliilo halka uu ka taaganyahay xuquuqda haweenka.