Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Baar ubax Hotel ku yaal ayaa waxaa laga helay meydka Suleeqo Yuusuf Barkhadle.

Meydka Gabadhaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Hey’adda Dambi Baarista Booliska ee CID.

Gabadhaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd.

Haweydaan ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sida la sheegay Haweeneydaan ayaa deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole waxayna Hotelka u tagtay arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay.

Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer.

Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah.