Muqdisho-(Ayaamaha)-Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid taageerayaasha Dowladda uu Hogaamiyo Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ee dhinaca baraha bulshada, waxaana qaar badan oo taageerayaasha hada noqdeen kuwa iska aamusay halka kuwa kalana mucaarad isku badaleen.

Sida aan ognahay taageerayaasha jilbeysan ee Nabad iyo Nolol ayaa waxaa si weyn looga dareemi jiray baraha bulshada marka uu hadlo Siyaasi Mucaarad ah ama sidoo kale soo koroto xiisad siyaasadeed, waxa ayna dhaleeceyn iyo aflagaado u geesan jireen mucaaradka ama cid kasta oo aragti ahaan kasoo horjeeda kooxda Nabad iyo Nolol taas oo hada isku bedeshay aamusnaan.

Bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii yaraanayay saameynta ee taageerayaashan ku dhax lahaayeen baraha Bulshada, waxa ayna kooxdan noqdeen kuwa markan la cabsaday aragtidooda.

Iyadoon aan ognahay Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo mudooyinkii dambe oo ay soo Wajahday dhaqaalo xumo ayaa Taageerayaasha Baraha Bulshada ee Nabad iyo Nolol badnaa waxay ahayeen kuwa lacago ku qaata faafinta Dacaayada ayaa hal meel looga soo dhiibi jiray afkaarta ay faafinayaan ama waxyaabaha kale ay naqdinayaan taas oo hada God ku dhacday.

Sida lawada ogsoonyahay qaar badan oo kamid ahaa dadka baraha bulshada magaca ku leh ayaa Madaxtooyada lacag ku siin jirtay faafinta afkaartooda, hasa ahaatee lacagtii la siin jiray ayaa sababo aan la shaacin looga jartay dhowrkii bil ee lasoo dhaafay.

Taas ayaana hada sababtay in baraha bulshada ku yaraadaan taageerayaasha xuurteesan ee kooxda Nabad iyo Nolol oon xitaa xiliyada ay musiibada jirto ayna dad badan ku dhintaan Qaraxyada aan la xishoon ereyada Nabad iyo Nolol.

Dowladda hada Dalka ka jirta ee hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa qarash badan iyo waqti ku bixisay dagaalka baraha bulshada iyadoona ku bixin jirtay lacago farabadan taas oo fulin kartay mashaaric farabadan, waxaana la isweediinayaa dadka Madaxtooyada bartay lacagaha ceyrta ah hadii ay waayaan waxa ay sameyn doonaan ama saameynta yeelankarto jooginta lacagtaas baadka aheyd.