MUQDISHO-AYAAMAHA-Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London.

Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada.

Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.

Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa.

Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga.