Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii wasaaradda Datuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sida la sheegay geerida wasiirka waxaa sababay xanuun kusoo booday xilli uu diyaar gareynayay xafladda arooska ee gabadhiisa u guurinaayey.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa da’diisu ahayd 63 sano shakhsi caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xilal kasoo qabtay xukuumadihii dalka Soomaray.

25-kii bishii Juunyo ee sannadkii 1956-kii ayuu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha dhexe, haddana ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Isla magaalada Jowhar oo uu kusoo barbaaray ayuu ka dhigtay wax barashadiisii dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare.

Markii dambe waxa uu Cabdiraxmaan Xoosh aaday waddanka Canada, halkaasoo uu kasii watay waxbarashadiisa heerka Jaamacadda.

Jaamacad ku taalla magaalada Toronto ee waddanka Canada ayuu shahaahada cilmiga bulshada ka qaatay, ka dibna waxa uu sii daraaseeyay cilmiga sharciga oo uu iskuul kale ka dhigtay.

Gudaha waddanka Canada ayuu ka billaabay shaqooyinka la xiriira dhinaca sharciga, sida uu xusay agaasimaha wasaaradda dastuurka Maxamed Abuukar.

Sannadkii 2011-kii ayuu dib ugu soo laabtay waddanka Soomaaliya, xilligaasoo uu dalka Madxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Bartamihii isla sannadkaas ayaa Cabdiraxmaan Jibriil loo magacaabay wasiirka arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Wuxuu xilkaas hayay ilaa bishii Sitembar ee sannadkii 2012-kii, markaasoo uu dhammaaday wakhtigii xukuumadda.

Sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda Datuurka, waxa uu sabab u ahaa in laga gudbo xeerkii loo yaqaannay Axdigii qaranka, iyadoo markaas loo gudbay dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee ay Soomaaliya hadda ku dhaqanto, oo saddex xukuumadood lagu soo dhisay ayaa la ansixiyay bishii Agoosto ee sannadkii 2012-kii.

Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna xilkaas hayay ilaa horaantii sannadkii 2017-kii, xilligaasoo ay maamulka dalka la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xukuumadda uu Farmaajo soo dhisay oo uu Ra’iisul wasaare ka noqday Xasan Cali Kheyre ayaa Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil looga dhigay wasiirka Arrimaha dastuurka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa la sheegay in uu aad ugu mashquulsanaa sidii loo dhammeystiri lahaa dastuurka ku meel gaarka ah ee wali qabyo qoraalka ah.