Muqdisho-Ayaamaha-Illaa 12 rag ah ayaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo qaboojiyayaal ay ku xiran yihiin oo yaallay meel gawaarida la dhigto oo ku taalla gobolka Antwerp ee dalka Belgium, sida ay booliska dalkaas sheegeen.

Booliska waxaa telefoonka ka wacay dareewalkii gaariga oo sheegay in uu ka shakiyay in dad ay ku dhex dhuumanayaan gaarigiisa oo qudaarta qaada.

Waxay ahaayeen 11 qof oo u dhalatay Suuriya iyo hal qof oo u dhashay Sudan. Dhammaantood way badqabaan, waxaana lagu wareejiyay saraakiisha socdaalka.

Isbuucii la soo dhaafay, illaa 39 qof oo mayd ah ayaa laga dhex helay gaari xamuul oo la mid ah midka hadda la qabtay oo yaallay dalka Britain.

Daraawalkii gaariga oo ka soo safray Belgium ayaa lagu oogay dacwad ah in uu laayay.

Waxaa la aaminsan yahay in dadkaas dhintay ay ka soo jeedeen Vietnam ama Shiinaha kuwaa oo ujeedkoodu ahaa in si sharci darro ah ay ku galaan Britain. Weli macadda sida ay u dhinteen oo noqon karta in qabowga uu dilay ama in uu naqaska ku dhagay.