Taliska Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ku fashilmay in Al Shabaab kala wareegaan deegaano iyo Degmooyin oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidanka AMISON iyo kuwa dowladda ayaa markii hore weeraro culus ku qaadi jiray deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan Xarakada Al Shabaab, lkn ayaamihii dambe ciidamada ayaa hakiyay kadib khasaarooyin badan oo ay kasoo gaaray howlgalo.

AMISOM ayaa ku dhawaaqay inay bedelay qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab si loo yareeyo khasaaraha ciidankooda kasoo gaara duulaanada ay qaadayan.

Hogaanka cusub ee AMISOM Jeneral Tigabu Yilma ayaa sheegay in wax laga badelay howlagalada ciidamada AMISOM ee ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in hada dajiyeen Istaraatijiyad cusub ee dhanka weerarada ah.

Jeneralkan cusub ee AMISOM ayaa sheegay in wax laga badelay ciidamadii iyo gaadiidkii badnaa ee weerarada ku qaadi jiray goobaha ay joogaan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in howlgalka nuucaas ah uu dhalin jiray khasaaro badan oo ka dhashay miinooyinka lagu aaso dhulka.

Taliyaha ayaa sheegay in hada kadib beegsan doonaan goobo bartilmaameed ah oo lasoo sahmiyay, waxa uuna xusay in habkan cusub meesha ka saareyso khasaarihii badnaa.

AMISOM ayaa hada la qorsheeyay in ay goobo bartilmaameed ah weeraro ku qaadaan kadibna dib uga soo laabtaan, waxa ayna AMISOM qorshahan cusub ku dooneysaa in ay ku yareyso khasaaraha soo gaara ciidanka howlgalka qaadaya.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka oo taageero siinaya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa hada sameeya howl galada lagu beegsado goobo bartilmaameed ah oo kuyaala deegaano iyo degmooyin ay maamulaan Shabaab, waxa ayna ciidankan adeegsadaan diyaarado dagaal.