Muqdisho-(Ayaamaha)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee Booliska magaalada Muqdisho.

Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu noociisu ahaa Toyoto Premio, midabkiisu caddaan yahay kaasoo ay sheegtay inuu ku qarxay meel u dhaxaysa Dugsiga Jen. Kaahiye iyo Isbitaalka Yardimeli.

“Waxaa ku Dhaawacmay 8 qof oo afar ka mid ah ay fudud yihiin. Wax dhimasho ah ilaa iyo haatan ma jiraan” ayey tiri Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.

Shacabka ayaa waxay ugu baaqday haddii ay arkaan qof ama dad khatar ku ah nabadgalyada magaalada Muqdisho inay soo wici karaan khadka telefoonka ee 991 ama waxay tagi karaan saldhigga ugu dhow.

“Qof walbow gaarigaaga ilaasho oo meesha aad dhigayso ka taxaddar. Kooxaha argagixisadu waxay doonayaan oo kaliya inuu qarax dhaco, umana kala soocna shacab iyo dowlad. gaari kasta oo meel dayacan yaalla ayaa u ah bartilmaameed” ayey intaas ku dartay.

Taliye Zakiya ayaa Ugu dambeyn waxay sheegtay in haddii uu qarax meel ka dhaco aan loo ogolayn shacabka iyo warbaahinta inay goobta ku yaacaan ilaa laga hubiyo in uusan jirin gaari kale oo qarxi kara.