Dhuusamareeb-Ayaamaha-Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray taliyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug.

Taliyaasha oo ay weheliyeen xubno kamid ah guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida ayaa gaaray dhuusamareeb, waxaa uuna safarkooda salka ku hayaa amar kasoo baxay Kheyre oo ku aadan  in la qarameeyo lana wareegaan ciidamada Ahlusunna .

Taliyaasha kala ahaa Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya, Jeneraal Indha Qarshe , taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Bashir Ameriko iyo taliyaha ciidanka Asluubta ayaa maanta waxaa ay gaareen Dhuusamareeb .

Saraakiishan ayaa inta ay joogaan magaalada Dhuuso Mareeb la wareegi doona ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameenayo tababarna loo furayo, waxa ay sidoo kale ka shaqeenayaan sidii ciidamo federaal ah ula wareegi lahaayeen amaanka Dhuuso Mareeb.