Dhuusamareeb-Ayaamaha-Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee dowladda federaalka  Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska iyo Asluubta ayaa lagu wadaa inay tagaan Magalada dhuusamareeb,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu maalma ka hor sheegay in hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ka howlgeli doonaan Magalada Dhuusamareeb.

Socdaalka Taliyeyaasha ayaa ku soo aadaya kadib markii maalmo ka hor magaalada Dhuusa Mareeb ay heshiis ku gaareen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Ahluna ee ku biiray Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya lagu wareejin doono Ciidamada Ahlusunna eek u biiray Galmudug si loogu biiriyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loona qarameeyo.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa hada waxaa ku sugan R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, xili maalmihii ugu dambeeyay uu kulamo ka waday Magaaladaasi, kaasi oo ku aadan in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda Maamulka Galmudug.