Taliyaha Booliska Soomaaliya oo qariyey xogta saxda ee khasaaraha weerarkii Hotel Xayaat.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay maanta oo axad aheyd soo afjartay 30 saac kabadan oo ay koox katirsan Al Shabaab ka dhex dagaalamayeen gudaha hotelka hayat Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar oo saxaafada kula hadlay meel banaanka ka ah Hoteelka Hayat markii lasoo afjaray kooxdii weerartay waxa uu sheegay in 106 qof ay soo bad baadiyeen.

Taliye Xijaar ayaa shacabka uga digay inay ka ag dhawaadaan goobta inta nadaafada qolyaha qaabilsan ay meesha hagaajinayaan iyo haraadiga waxyaabihii hubka la adeegsanayey.

Suaalaha dadka dadka is weydinayaa.

Seddex su’aal ayaa laga rabaa inay Dawlada Soomaaliya mas’uuliyiintooda ka jawaabaan:

1: Maxay tahay sababta Taliyaha Booliska ugu hadli waayey gudaha hoteelka iyadoo la sheegay in lasoo afjaray howlgalka?

2: Maxay tahay in Booliska udiideen in saxaafada su’aalo weydiiyaan Taliyaha maadaama su’aalo badan shacabka ubaahnaayeen in laga ogaado weerarka hoteelka ka dhacay

3: Maxay aheyd sababta loo soo bandhigi waayey kooxdii weerarka fulisey meydkooda maadaama hore loo soo bandhigi jiray,mise shakiga la qabo ayaa run ah in ay nolol ku baxeen kooxdaasi oo ay Al shabaab xalay sii sheegeen warkaasi?