Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ka hadlay tababarka ciidamada booliska ay helayeen maalmihii ugu dambeeyay korortay.

Taliyaha wuxuu sheegay amaanka magaalada Muqdisho in taliska ciidamada booliska aysan awoodin inay guri kastaa oo ku yaala magaalada Muqdisho inay dhigaan askari ilaaliya amaanka.

Lkn waxaa uu xusay in taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed inuu awoodo inay tababar siiyaan ciidamada kala duwan ee booliska ka mid noqonaya, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka caasimada Muqdisho.

Waxaan aragna in marar badan Magalada Moqdisho ay ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan Al Shabaab, waxaana yar kiisaska laga daba tago ama dad loo soo qabto..

Taliyaha ayaa sheegay in tababar casri ah ay siinayaan ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska Soomaaliyeed, islamarkaana kuwaasi ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta amaanka Magaalada Moqdisho.

In kabadan 2000 askari ayaa shalay tababar loogu soo gabo xiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay tababar siiyeen ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo ku sugan gobolada Baay, Hiiraan, SHabeelaha Dhexe iyo Gobolka Gedo.