Muqdisho-Ayaamaha-Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Ciidanka Booliska howlgalada Khaaska ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Selami Türker.

Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay  in Taliye Selami Türker kulan uu la qaatay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa waxaa lagu xusay in Taliye Selami Türker uu Muqdisho uga qeyb galay Munaasabadii sanad-guurada 76-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska  oo maalmo kahor lagu qabtay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u tababarta howlagada sirdoonka, dembiyada abaabulan, qibradaha difaaca dalka iyo arrimo oo ku aadan dhanka tababarada Ciidamada.