Muqdisho-Ayaamaha-Taliyaha guud ee ciidamada milatariga dalka Kenya General Samson ayaa booqasho aanan horay loo sii shaacinin ku yimid gudaha soomaaliya.

General Samson ayaa soo gaaray gudaha Soomaaliya iyadoo dagaalamayaasha Al-Shabaab  ay sii kor dhiyeen weerarada ay ka geysanyaan gudaha dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Kenya ayaa booqashadiisa ku tagay saldhig ay ciidamada Kenya, qaybtana ka ah kuwa Amisom ku leeyihiin degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbadda Hoose.

“Waxaan joognaa Soomaaliya, waxaana ognahay haddii Soomaaliya ay ka xorowdo Al-Shabaab, in Kenya ay ka xuroobi doonto” ayuu yiri taliyaha ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay gaarayaan  ku dhawaad 3,000 oo askari kuwaas oo qayb ka’ah ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.