MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Maanta ka hadlay Ciidan Magaalada Muqdisho gadood ugu sameeyay mushahar la’aan, kuwaas oo ka howl-galayay Gobolka  Shabeellada dhexe,
Taliye Odowaa, ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse ay jiraan Ciidamado kooban oo aan tirakoob marin iyo kuwo ay cilado farsamo ka yimaadeen diiwaan-gelintoodii oo aysan Lacagtii gaarin.
Waxaa uu ahdalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada ay mamnuuc ka tahay inay sameeyaan gadood ama ay muujiyeen qaab gadood ah,hayeeshee markii ay cabasho qabaan ay u gudbiyaan taliyeyaasha Ciidamada ee xukuma.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta ay tahay Dowladdii ugu horreysay oo muddo Labaatan Sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda Shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada kala duwan ee Dalka,hayeeshee ay jiraan Ciidamo dhowr jeer ka cawday mushaar la’aan.