Muqdisho-(Ayaamaha)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa markale waxaa uu ka hadlay Ciidamaddii dhawaan kasoo baxay furumaha dagaalka ay kaga sugnaayeen gobolada Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.
Waxa uu sheegay Taliye Indha-Qarshe in dowladda ay ku howlan tahay diiwaangelinta Ciidamada dowladda,isla markaana uu socdo tirakoobka lagu sameeynayo.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Digniin u diray Ciidamada gadoodka sameeynayo,isagoo xusay in ay lumi doonaan,halka kuwa doonaya hormarka dalka ay kusii jiri doonaan Ciidamada Xoogga dalka.

Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa in laga doonayo ciidamada inay la yimaadaan xushmad iyo habdhaqan wanaagsan si ay u xasiliyaan dalkooda ayna u difaacaan shacabkooda iyaga oo dhanka kale ka fogaanaya waxyaabaha loogu yeero qabyaaladda.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.