Muqdisho-Ayaamaha-War goordhaweyd naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo Dagaal xoogan oo ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad udhaxeeya

Dagaalka dhexmaray labada ciidan ayaa dadka ku geeriyooday waxaa ka mid ah Taliyihii Koontaroolka Boosaaso oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Guduudoow.

Ciidamada isku dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwo suga amniga Koontaroolka laga galo Boosaaso iyo Ciidan la sheegay in uu watay Taliye lagu magacaabo Ciise Yulux.

Ku dhow shan qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen isku dhacaasi dhexmaray labada Ciidan iyada oo mid ka mid ah dhinacyada dagaallamay ay ka baxeen Degmada Carmo islamarkaana doonayeen in ay galaan gudaha Boosaaso.

Dagaal kooban oo halkaas ka dhacay ayaa la sheeyaa in uu khasaare nafeed geystay iyada oo wali ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaallamay.

Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in labada Ciidan ay gurmad ka kala helayaan labada Magaalo,waxaana wali kacsan xaaladda degaankaas.