Taliye Xijaar oo shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Muqdisho-Ayaamaha-Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin u diray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu isugu yeeray shir deg deg ah, sida ay noo xaqqijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.

Lama shaacin ujeedka kulankan, balse waxa ay u badan tahay in looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo xiisadda ka dhalatay Qadiyada Ikraan Tahliil Faarax.

Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii guud ee NISA, sidoo kalena madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu kasoo horjeestay, arintaas oo keentay inay ka sii darto xiisada ka jirta dalka.

Khilaafka iminka soo shaac-baxday ayaa durbo saameyntiisa laga dareemay dalka waxaana la ogeyn halka uu biyo shuban doono muranka ka dhashay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo dilka la sheegay inay Al-Shabaab u geysteen Ikaraan Tahliil Faarax.

Si kastaba dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa walaac ka muujinayo xiisadda kasii dareysa ee haatan ka dhex-qaraxday hoggaanka Villa Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemayo Muqdisho.