GAROWE-AYAAMAHA-Wararka naga gaaraya Magaalada Garowe  ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Puntland ayaa ku eedeysay labadaas Sarkaal in Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Nugaal oo ay kamid ahaayeen Labadaasi Sarkaal islamarkaana loo qaaday Magaalada Qardho si tababar loogu furo ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay.

Xarigga Labada Sarkaal ayaa la xiriira gadoodka ay sameeyeen Ciidanka balse Saraakiisha Booliiska iyo Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas.

Sidoo kale maalmo ka hor waxaa gadood sameeyay cutubyo  ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo diiddanaa in la diiwaan-geliyo balse markii dambe lagu qanciyay.