Muqdisho-Ayaamaha-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmadda wadajir ee Gobolka Banadir,wuxuuna magacaabay Taliye cusub.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliyaha ciidamadda Booliska Somaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Booliiska Degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagay.

Sababta shaqada loo eryay Taliyihii Booliiska Degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagay ayaa lagu sheegay Madaafiic laga tuuray Gudaha Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir,kuwasi oo lagu garaacay Xarunta Xalane ee Ciidamadda AMISOM dagan yihiin.

Taliyaha cusub ee Saldhiga Degmadda Wadajir ayaa loo magacaabay mas’uul kale.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas, sida lagu daabacay warbaahinta Shabaab.