Gaalkacyo-Ayaamaha-Magaalada Gaalkacyo waxaa ku geeriyooday Allaha u naxriistee Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Nooca gaari uu watay taliyaha ayaa la sheegay inuu ahaa NOH waxaana lagu xiray Miinada nooca dhejiska,waxaana ay la qaraxday xilli shalay gelinkii dambe uu marayay wadada 30-ka ee Bartamaha Gaalkacyo.

Allaha u naxriistii Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay waxaa ay Baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.