Baladweyne-(Ayaamaha)-Taliyhii Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan, Gaashaanle dhexe, Maxamed Macoow, ayaa ku geeriyooday shaqaaqo ka dhacday duleedka Magaalada Baladweyne, halka uu dhaawac culus kasoo gaaray taliye ku xigeenka Saldhigga dhexe , Bashiir Caddaani.

Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada Boliiska iyo kuwa nabad sugidda Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo Gacan ku haynta Bar Kantarool oo ku taalla deganka Kala-bayr oo dhowr iyo Labaatan KM dhanka Waqooyi kala began Magaalada Baladweyne.

Ciidamada uu Gacan ka hadalka dhex maray ayaa lagu soo warramayaa in ay kala taabacsan yihiin, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Daba geed) iyo Guddoomiyaha cusub Cali Maxamed Carraale.

Xaaladda goobihii lagu dagaallamay ayaa haatan deggen, waxaana la kala qaatay dhaawac iyo dhimasho wixii kala gaaray Labada dhinac, lama oga qasaaraha dhabta ah ee shaqaaqadaasi ka dhalatay, waxaana jirta cabdi ah inuu dagaal kale dhaco, maaddaama ay Garabyadii ay dirirtu dhex martay weli is hor fadhiyaan.