Gurceel-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyihii Cidanka Ahlusunna Waljameeca ee Degmada Guriceel iyo Ciidamo uu watay ay isku dhiibeen Ciidnanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde oo ahaa taiyihii maamulka Ahlusunna oo ku jiray Ciidamo dhawaan ka baxay Guriceel markii Ciidanka dowladda la wareegeen ayaa isku dhiibay Saraakiisha Ciidanka dowlada sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ka tirsan Ciidanka dowladda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Kulan dhexmaray Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga iyo  Taliye Cabdul Daahir Rooble ayaa waxaa ku wehlinayay Maxamed Axmed Cantoobo Guddoomiyihii hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in uu inta badan gacanta ku haayay hubka iyo gaadiidka Ururka Ahlusunna oo Muddo dagaal kula jiray Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalaayay degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Wali lama ogo wax war ah oo ka soo baxay Hoggaanka sare ee Ahlusunna oo ay uga hadlayaan tallaabada uu qaaday Taliye Cabdul Daahir Rooble Cadde, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan Ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Degmada Guriceel oo in muddo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca.