Muqdisho-(Ayaamaha)-Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la dhaawacay Shalay galinkii dambe waxaana dhaawacay askari katirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo shaqada laga ruqseeyay waxa uuna ku dhaawacay albaabka Madaxtooyada Soomaaliya.

Falkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa 4 kontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna aad ugu dhowaa mid kamid ah, sidoo kale waxa uu ka dhacay ka soo horjeedka Hotel SYL oo ay hor fadhiyaan Ciidamo kale oo hoteelka ilaaliya.

Sarkaalkaan lagu magacaabo Cabdifitaax daba-gaalle ayaa lagu dhaawacay Albaabka xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo ay ciidamo ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya u jiraan wax ka yar 30 talaabo halkaas oo lagu baaro gaadiidka ka soo gudbta barta kontarool ee Xaawa-Taako.

Warar waxaa ay sheegayan in Askariga dhaawaca geestay ay hore u murmeen taliyihiisa waxayna doodooda ka dhalatay arimo ku saabsan gunno kaas oo sababay in shaqada laga ruqseeyo sida ay sheegayn Saraakiil katirsan Villa Somalia.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida uu ka baxsaday Askarigaasi, qaar kale ayaa muujiyay rajo yari dhinaca amniga ah mar hadii uu baxsaday Askari halkaasi Sarkaal sare ku dhaawacay.

Mas’uuliyiin kamid ah qubarrada amniga ayaa sheegay in arintaan ay aheyd dayacaad amni iyo mas’uuliyad darro waxayna sheegayn in ay tusaale ka bixineyso dadaalka hey’adaha amniga ee DF-ka Soomaaliya.