Muqdisho-Ayaamaha-Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa si rasmi ah xilkii looga qaaday, iyadoona Taliye Cusub loo magacaabay Xabsiga Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la sheegay in shaqada dib ugu soo celiyey Taliyihii  Xabsiga Dhexe Jeneraal Xirsiile, kadib markii horey shaqada looga joojiyay.

Dhanka kale Dowladda Federaalak ayaa la tilmaamay inay kahor tegtay tallaabada shaqada loogu soo celiyay Taliyihii  Xabsiga Dhexe, iyadoona ugu dambeyntii xilka qaadis lagu sameeyay.

Taliyaha Cusub ee Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye isagoo bedelaya Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Jeneraal Xirsiile ayaa horey loogu Eedeeyay inuu Isbitaalka ku yaalla Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.