Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerar dagaalyahanno ka tirsab Al-Shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Taliska Booliska Kenya ayaa shaaciyay tirada Askarta looga dilay weerarkii Al-shabaab ee ka dhacay inta u dhaxeysa Mandheera iyo deegaanka Kutulo oo ka tirsan Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in weerarkaas looga dilay 7 Sarkaal, dhaqter iyo ruux oo aan weli la aqoon Meydadkooda, kuwaasi oo dhamntood la socday weerarkii ka dhacay deegaanka Kutulo oo ka tirsan Wajeer, iyagoona xiliga watay dhar caadi ah.

Laamaha amniga Kenya ayaa sheegay in Askartan la weeraray ay dib ugu soo laabanayeen shaqadooda, kadib markii ay soo dhammeysteen fasax kooban oo la siiyay.

Kenya ayaa tilmaamtay in Al-shabaab ay toogteen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee la socday gaariga Baska ahaa ee lagu qaaday weerarka.

Al-Shabaab ayaa dusha u ridatay weerarkaan, waxaana ay sheegtay in ay ku dishay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka Kenya iyo shaqaalaha dalkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya lagu laayo Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana gobolkaasi marar badan weeraro ka fulisay Al-Shabaab.