Tirada ciidamada Haramcad ee la geeyey Beledweyne.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ciidamada Haramcad oo diyaarad gaar ah ka waaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay meelo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha xilligaan Ciidamada loo geeyay Magaalada Beledweyne maadaama dhinac ay kajoogaan Ciidamada la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee waxaa wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamada Haramcad ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada oo lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka

In ka badan 50 Askari oo katirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad syaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ka dejisay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dsrayaan inn Ciidankan ay horu-dhac ah u yihiin  ciidamo kale oo badan oo isugu jira Gorgor iyo Haramcad oo dowladda Fedaraalka Soomaaliya maalmaha soo aadan geyn doonto Magaalada Beledweyne.

Qorshahaan dowladda Soomaaliya ay Ciidamada ku geeysay Magaalada Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xilli 24-kii Saac ee la soo dhaafay Magaalada lagu arkay Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne.