MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida la shaaciyay dhimashada uu caalamka ka sababay cudurka coronavirus ayaa kor iminka u dhaaftay 500,000 (shan boqol oo kun).

Tiradan oo aan rasmi aheyn ayaa waxaa ay ka timid hay`adda Johns Hopkins University researchers.

Afar meelood meel oo ah 125,000 oo ruux ayaa waxaa au cudurkani ugu geeriyoodeen dalka Mareykanka, Waxaana ku xiga dalka Brazil oo isaguna ay ugu geeriyoodeen dad kor u dhaafayaan  57,000.

Waxaa la aaminsan yahay tirada caalamka ugu geeriyootay xanuunkan in uu ka sarreeyo tirada iminka la shaaciyay.

In ka badan 10 milyan oo ruux ayuu xanuunkan ku dhacan caalamka, sida lagu sheegay warbixinta.

Dalalka Mareykanka iyo Brazil ayaa ugu dhimasho badan.